Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq waxaa barri ka furmi doona shir ay isugu imanayaan ururka Iskaashiga Islaamka oo Soomaaliya ay xubin ka tahay.
Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa shirkaasi lagu wadaa in uu ka qayb galo inkastoo qaar kamid ah dawladaha Khaliijku aysan tagi doonin shirkaasi sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya dawladaha Sacuudiga iyo Iiraan.
Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa shirkaasi ka waraystay danjiraha Soomaaliya ee dalka Ciraaq, Khadiija al-Makhsuumi, waxaana ugu horrayn uu weydiiyay waxa shirkaasi uu ku saabsan yahay.