Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Burundi Waxa Ay Ku Dhowdahay Burbur


Rabshado ayaa ka jiray Burundi tan iyo horaantii 2015.
Rabshado ayaa ka jiray Burundi tan iyo horaantii 2015.

Zeid Ra'ad Al Hussein oo ah madaxa UNHCR ayaa ka cabsi qaba in burbur uu ku yimaado amarkii iyo kala dambeyntii Burundi

Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM ayaa ka hadlay rabshadaha sii kordhaya ee dalka Burundi, isaga oo ka digay in burbur dhameystiran oo ku yimaada amarkii iyo kala dambeyntii dalkaas uu qarka saaran yahay.

Zeid Ra'ad Al Hussein oo ah madaxa UNHCR, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weeraradii 11-kii December ay ciidamada booliiska ku qaadeen taageerayaasha mucaaradka ay ahaayeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Waxa uu ku warramay inay jiraan warbixino sheegayey kufsi loo geystay haweenka intii ay socdeen howlgallada booliiska, iyo warbixino laga helay dadka deeganaka oo shaaca ka qaaday xabaal wadareedyo.

Zeid Ra'ad Al Hussein ayaa yiri in warbixinadan ay dirayaan digniin ah in xasaradaha jinsiga ku salleysan ee Burundi ay sii kordhyaaan.

Ciidamada Burundi ayaa 12-kii December ku warramay in 87 qof lagu dilay caasimadda Bujumbura, kadib weerar ay sheegeen in lagu soo qaaday saddex saldhig booliis, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa ciidamada ammaanka ku eedeeyey dilalkan.

XS
SM
MD
LG