Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar Somali Ah Oo ku Biirtay Booliska Maine


Zahra Abu oo bidix ka muuqata (Photo Courtesy By Portland Police)
Zahra Abu oo bidix ka muuqata (Photo Courtesy By Portland Police)

Zahra Munye Abu ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ku biiray ciidamada Booliska gobolka Maine

Soomaalida ku nool Magaalada Portland ee gobolka Maine ee dalka Mareykanka ayaa toddobaadkii tagay u dabaal degay qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ku biiray ciidamada Booliska gobolka.

Zahra Munye Abu oo qoyskeedu ay soo galeen Mareykanka sanadkii 1997-dii ayaa ku biirtay ciidamada booliska gobolka, waxeyna noqoneysaa qofkii labaad ee qoyskaasi ka tirsan ee ka mid noqda booliska Mareykanka.

Horey walaalkeed ka weyn Ilyaas Muunye Abuu ayaa ugu biiray ciidamada booliska ee Gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka.

Zahra oo 22 jir ah, islamarkaana Portland tagtay markii ay laba jirka ahayd, ayaa heshay shaqadeeda cusub kadib dadaal adag.

Waxa jaamacadda University Of Southern Maine ka qaadatay shahaadada heerka koowaad ee Bachelor Degree, ayada oo baratay caddaaladda, Arrimaha haweenka iyo jinsiga.

Waxa ay sidoo kale ka gudubtay imtixaan qoraal ah oo booliiska Maine uu ka qaaday. Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa sheekadan inooga diyaariyay.

Gabar Soomaali ah oo boolis ka noqotay USA
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:31 0:00

XS
SM
MD
LG