Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suniyiinta Oo Gacanta Ku Haya Ramaadi


Askari haya calanka Ciraq oo taagaan banaanka xarunta dowladda ee Ramadi.
Askari haya calanka Ciraq oo taagaan banaanka xarunta dowladda ee Ramadi.

Saraakiisha Ciraq iyo Mareykanka ayaa sheegay in dagaalyahanada Suniyiinta ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah goobihii la xoreeyey.

Saraakiisha Milatariga Ciraq ayaa sheegay in dagaalyahanada qabaa’ilka ee Suniyiinta ay gacan ka geysanayaan gacan ku haynta dhul ka mid ah magaalada Ramadi, kadib markii ciidamada ay inta badan ka adkaadeen dagaalyahanada kooxda Daacish.

Iska caabin yar ayaa weli ka jirta magaalada Ramadi, kadib markii ciidamada Ciraq oo ay dhinaca cirka ka taageerayaan xulufada Mareykanka uu hogaaminayo ay dagaal xooggan qaadeen toddobaadkii tagay, taasi oo gacan ka siisay inay qabsadaan dhismaha xarunta dowladda ee Ramadi.

Afhayeen u hadlay isbaheysiga, Steve Warren, ayaa sheegay in 150 illaa 250 dagaalyahan oo Daacish ah ay weli ku hareen magaalda, taasi oo aad uga yar tiradii hore oo ahayd 1000 askari.

Saraakiisha Ciraq iyo Mareykanka ayaa sheegay in dagaalyahanada Suniyiinta aysan kaalin muuqata ku lahayn qabashashadii Ramadi, hase yeeshee ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah goobihii la xoreeyey.

Ra’iisul wasaaraha Ciraq, Haydar Al-Abadi ayaa sheegay in dowladda ay iminka isku dayi doonto inay qabsato magaalada Mosul, oo sidoo kale ay ku badan yihiin Suniyiinta.

XS
SM
MD
LG