Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Taageerayaasha ISIS Ayaa Jooga Xadka


 Joseph Boinett, taliyaha booliska Kenya.
Joseph Boinett, taliyaha booliska Kenya.

Madaxda booliska dalka Kenya Joseph Boinett ayaa sheegay in maleeshiyadan ay dhowaan weeraro ka fuliyeen Kenya.

Qiyaaastii 200 oo ah Islaamiyiinta xagjirka ah ee Soomaaliya ee Al-Shabaab ayaa u kala qeysamay qeybo kala duwan oo bahwadaag la kala ah urur weynaha Al-qaacida iyo ururkaISIS ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Siiriya, sida uu shalay sheegay madaxa booliska dalka Kenya.

Kooxda ka soo go’aday ururka Al-Shabaab ayaa ku sugan xuduudka Soomaaliya ay Kenya la wadaagto, gaar ahaan dhanka waqooyi kuwaasoo ugu yaraan labo weerar ka fuliyey labaddii toddobaad ee la soo dhaafay, halkaasna ku dilay askari ka tirsaanaa ciidanka Kenya iyo labo qof oo rayid ah oo ka yimid degmada Mandheere ee gobolka Waqooyi bari Kenya, sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee AP madaxda booliska dalka Kenya Joseph Boinett.

Kala jabka ku yimid ururka Al-Shabaab ayaa halis dheeraad ah ku ah caqabadaha dhanka amniga ka haysta ciidanka Kenya, sida uu sheegay Joseph Boinet.

Joseph Boinett ayaa sheegay in ragga Al-Shabaab ka soo goostey ee taageera ururka ISIS uu ka mid yahay Mohamed Kuno oo ku magac-dheer (Gacmo-Dheere) oo lagu eedeeyey in uu ku luglahaa weerarkii ay rag hubeysanaa 2-dii bishii April ee sanadkan ku soo qaadeen jaamacada Gaarisa, ee gobolka waqooyi-bari Kenya, iyagoo halkaasi ku dilay 148 qof.

Labo nin oo haysta dhalashada iyo degganaasho Mareykanka, ayaa dhawaan ka soo goostay Alshabaab kuwaasoo isu soo dhiibtay mas’uuliyiinta dowladda Somaaliya billowgii bishan, kuwaasoo sheegay in isku soo dhiibeen cabsi ay ka qabaan in raggii ay horay Alshabaab uga wada tirsaneyeen in ay dileen iyagoo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin ama muxubo u hayaan in ay ku biiraan ururka ISIS.

XS
SM
MD
LG