Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobo Kasoo Baxay Shirkii Madasha


Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah in hab beeleed iyo hab deegaan oo isku dhaf ah wax lagu qeybiyo.

Shirkii Madasha wadatashiga Qaranka ee ka socday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, ayaa maanta lasoo geba gebeeyey waxaana kasoo baxay dhowr qoodb oo lagu heshiiyey.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah.

1 – Inaan wax muddo kordhin ah loo sameyn hay’adaha dowladda Soomaaliya ee iminka jira.

2 – In la dhiso laba aqal oo sharci dejin, oo kala ah aqalka sare iyo aqalka hoose.

3 – In habka awood qeysbiga lagu salleeyo deegaan iyo qabiil isku dhaf ah.

4 – In doorashada xubnaha labada gole ay ka dhacaan caasimadaha maamul goboleedyada dalka.

5 – In tiro kuraas ah oo cayimin haweenka laga siiyo labada gole ee la dhisi doono.

XS
SM
MD
LG