Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Beledweyne Oo Maanta Degan


Wasiiro, xildhibaanno iyo madaxweynaha Galmudug oo shalay gaaray magaalada ayaa ku guuleystay in dagaalka la joojiyo.

Xaaladda magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta degan kadib xabad joojin laga gaaray dagaalkii saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socda qeybo ka mid ah magaalada.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay dadaal ay sameeyeen odayaasha gobolka iyo wafti ka kooban wasiiro, xildhibaanno iyo madaxweynaha Galmudug oo shalay gaaray magaalada Beledweyne.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar, ayaa warbaahinta u sheegay in labada beel ee dagaalamay ay aqbaleen dadaalladii ay wadeen.

Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in labada beelba ay muujiyeen inay doonayaan nabad, oo ay xabadda ku daaleen, uuna rajeynayo in la dhameystiro waxyaabaha harsan.

Wasiirka ayaa sheegay in daadallada nabadeed ay illaa iyo iminka ku socdaan sidii loogu tala-galay, taasoo uu sheegay in looga fursan doono in dowladda ay far-gelin xoog ah ku sameyso xiisadda.

XS
SM
MD
LG