Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Islaam Naceybka Oo Ku Kordhaya Mareykanka


Gobolka Minnesota ayaa lagu qabtay kulan lagu cambaareeyey falalka islaam nacaybka ah ee ku kordhaya Maraykanka.

Hoggaamiyayaasha diimaha kala duwan ee Minnesota ayaa si weyn u cambaareeyey falalka islaam nacaybka ah ee maalmahan la sheegay inay kusii kordhayeen dalkan Maraykanka.

Meelo kala duwan oo Maraykanka ah ayaa laga soo sheegayaa inay xadgudubyo islaam nacayb ah ay kusii kordhayeen tan iyo intii uu dhacay weerarkii magaalada San Bernardino ee gobolka California.

Sidoo kale, Donald Trump, oo ah doonaya inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynaha Mareykanka, ayaa ku baaqay in muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan dalka Mareykanka.

Haddaba sida looga hortagi karo falalkan iyo shir arrintaasi ku saabsan oo xalay lagu qabtay Minneapolis ayaa Haaruun Macruuf waxa uu ka waraystay Injineer Jibriil Afyare oo madax ka ah Ururuka Muwaadiniinta Soomaalida Maraykanka ah oo shirkaasina ka hadlay.

XS
SM
MD
LG