Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac Aw-Xoog, oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland kana mid ah mas’uuliyinta xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa ku sugan dalka Mareykanka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ujeedkiisa Mareykanka uu yahay ukuur gelidda xaaladda dadweynaha kasoo jeeda Somaliland ee ku nool Mareykanka iyo qorshooyin kale.
Xildhibaanka ayaa nagu soo booqday xarunta VOA ee Washington Dc. Sahra Ciidle Nuur oo waraysatay ayaa wax ka waydiisay ujeeddada socdaalkiisa Maraykanka.