Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaalkacyo: Galmudug & Puntland Oo Kulmay


Kulankan ayaa lagu soo bandhigay dhaqan-gelinta heshiiskii laga gaaray dagaalkii Gaalkacyo ee dhex maraya labada maamul.

Magaalada Gaalkaco ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulamo daba socda heshiiskii nabadeed ee dhowaan lagu saxiixay halkaasi ee lagu joojiyey dagaalkii dhacay.

Kullamadan oo loo qabtay mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland, ayaa lagu soo bandhigay dhaqan-gelinta heshiiskii laga gaaray dagaalkii Gaalkacyo ee dhex maraya labada maamul.

Labada maamul ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee magaalada ay iminka tahay mid wanaagsan, dadkiina ay dib usoo laabanayaan.

Warbixintan waxaa Gaalakacayo kasoo diray Cabdiwaaxid Macalim Isxaaq.

Warbixin: Cabdiwaaxid Macallin
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:19 0:00

XS
SM
MD
LG