Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Oo Dalbaday Xabad Joojin


Xasan Sheekh
Xasan Sheekh

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dowladda aysan u dul qaadin doonin daadinta dhiigga dadka Soomalaiyeed ee nabadda u ooman.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay xabad joojin shuruud la’aan iyo deg deg ah oo dhex marta GALMUDUG iyo Puntland, kadib isku dhacyadii dhex maray.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiksa madaxweynaha, ayuu madaxweynaha ku sheegay inay musiibo tahay sii socoshada dhiigga dadka Soomaaliyeed ee sida macno darrada ah u daadanaya.

“Dagaalka waa in la joojiyaa, khilaafyadana lagu xalliyaa wada-hadallo nabadeed” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay inuu tacsi u dirayo dhammaan ehellada dadkii ku geeriyooday dagaalka iyo kuwii ku dhaawacmay.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in dowladda aysan u dul qaadin doonin daadinta dhiigga dadka Soomalaiyeed ee nabadda u ooman, wuxuuna ugu baaqay Galmudug iyo Puntland inay ka qeyb-galaan dadallada nabadeed ee dowladda ay waddo oo uu hogaaminayo ra’iisul wasarae Cumar Cabdirashiid.

XS
SM
MD
LG