Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo: Tacadiyada Dumarka oo laga Shiray


Kismaayo
Kismaayo

Kulankan ayaa waxaa iska kaashanya maamulka Jubba, Hay'adda UNDP iyo xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa, loona joojin lahaa tacaddiyada ka dhanka ah haweenka

Kulankan ayaa waxaa iska kaashanya maamulka Jubba, Hay'adda UNDP iyo xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM.

Kulankan oo ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa waxa uu socon doonaa muddo 16 maalmood.

Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliya ee ay inta badan ka dhacaan kiisaska la xidhiidha tacaddiyada ka dhanka haweenka.

Wasiirka Haweenka Maamulka Jubbaland Qamar Deeq Khaliif ayaa kulankan uga warantay Wariyaa VOA ee Kismaayo Khadar Maxamuud Xareed.

Warbixin: Kismaayo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00

XS
SM
MD
LG