Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa mar kale maalmo yar gudahood isku shaandhayn ku sameeyey golihiisa xukuumadda iyadoo sidoo kalena uu buuxiyay jagooyinkii wasaaradaha waxbarashada iyo dhalinyarada iyo ciyaaraha oo laba maalmood ka hor ay wasiiradii xilkaasi hayay is casileen.
Md. Siilaanyo, ayaa sidoo kalena magacaabay wasiir ku xigeeno, wasiir u dawlaayaal iyo agaasimayaal guud. Wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac, ayaa warbixintan soo direy.