JABUUTI —
Magaalada Djibuoti waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay tababar socday afar maalmood oo idaacadda VOA ay uqabatay weriyayaal ay ku jiraan kuwa cusub oo qaarkood ka tirsan VOA, kuwaasi oo ka kala yimid deegaannada geeska Africa.
Tababarkan waxaa baxshay dad ay ka mid yihiin madaxa laanta afsoomaaliga ee VOA, taariikhyahan Axmed Faarax Cali Idaajaa iyo Xuseen Xaaji Jaabiri, oo ah isku duba-ride ka tirsan VOA-da.
Warbixintan iyo sawirrada ka hooseeya waxaa Djibouti ka soo diray Ramadan Muse.