Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Wadatashiga Doorashada Soomaaliya


shirka wadatashiga
shirka wadatashiga

Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka wadatashiga hannaanka doorashada Soomaaliya ee sannadka danbe.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya madaxda dowladda Soomaaliya, gaar ahaa madaxweynaha, Ra'iisu;-wasaaraha, afhayeeanka barlamaanka iyo madaxda maamullada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Shirkan waxaa kaloo goob joog ka ah wakiilada beesha caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka furay wuxuu sheegay inay xalinnayaan waxay ku kala duwan yihiin isagoo yiri "Qorshahan Soomaalida ayaa iska leh, hadii ay ceyb ka timaado annaga ayaa ka mas’uul ah"

Dhinacyada ayaa ka doodaya hannaanka ugu habboon ee loo qaban doono doorasho lagu soo doorto xildhibaannada soo dooran lahaa madaxweynaha 2016..

Shirkan waxaa la filayaa in maalinta berrito ah la soo afjaro.

XS
SM
MD
LG