Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Weerartay Wafdi DFS Ka Socda


Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhex maray meel qiyaastii 7 KM u jirta magaalada Baladweyne ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isla socda iyo kooxda Shabaab oo dhinac kale ah.

Dagaalkan ayaa waxa uu dhashay kadib markii kolonyo ciidamada dowladda oo gelbinaayay wafdi ayaamahanba deegaanka Ceel Cali joogay ay dhexda u galeen kooxda al-Shabaab,halkaasna dagaalka uu ku billowday.

Laba askari oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la xaqiijiyay inay dagaalkaasi ku dhaawacmeen, iyadoo saraakiil dowladda ahina ay sheegeen inay khasaare kale u geysteen kooxda al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Hiiraan Maxamed Ibraahim Sanbuur, kana mid ahaa xubnaha wafdiga, ayaa VOA u sheegay in xaaladdu ay deggan tahay, islamarkaasina halkii lagu dagaallamay ay joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maxamed Xasan Colaad, ayaa wareystay Md. Sanbuur.

Wareysiga Sanbuur
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00

XS
SM
MD
LG