Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Shabaab la Xakumay


Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa maanta xabsi daa'in ku xakuntay seddex ruux oo lagu heley dambi ah inay ka tirsanaayeen kooxda al-Shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa xukunka ku hor ridey seddexda qofood oo midi ay gabar aheyd, kuwaas oo lagu kala magaacaabo: Xuseen Cabdiqaadir Salaad, Cabdirisaaq Xuseen Cismaan iyo Fartuun Isaaq Cabdi.

Waxa uu Shuute sheegay in dadkan lagu soo qabtay howl gal ay ciidamadu ka sameeyeen degmada Yaaqshiid, islamarkaasina lala soo qabtay baastoolado iyo kiimikooyin laga sameeyo wax yaabaha qarxa.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Md. Xasan Shuute, ayaa intaas ku daray in haddii aanay ku qanacsaneyn dadkan xakunka lagu ridey inay racfaan ka qaadan karaan, isagoo dhanka kalena sheegay in ay dadkan qirteen inay ka tirsanaayeen al-Shabaab. ​

XS
SM
MD
LG