Danjirihii hore ee Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali America ayaa shalay loo diiday inuu gudaha u galo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran. Maxed Cali America, ayaa VOA u sheegay in guddoomiyaha gobolka Hiiran uu bixiyay amarka loogu diiday inuu gudaha u galo Beledweyne. Danjire America ayaa sheegay inuu ku gudo jirro safar uu ku macneeyay “Safarka nabadda” oo uu ku kala bixinayo deeggaano ka tirsan Soomaaliya. C/casiis Xuseen ayaa haddaba danjire America ka wareystay sababta loogu diiday inuu galo Beledweyne.