Isku xirrada

War Deg-Deg ah

2015 Sanadka Ugu Dhimashada Badan Afghanistan


Askari Maraykan ah oo tusaya Police-ka Afghanistan qaababka rasaasta loo rido, Kandahar, Afghanistan,
Askari Maraykan ah oo tusaya Police-ka Afghanistan qaababka rasaasta loo rido, Kandahar, Afghanistan,

Dadka rayidka ah ee wax ku noqday colaadaha dalka Afghanistan sanadkan ayaa la sheegay inay ka badanyihiin dadkii ku dhintay sanadkii ugu dhimashada badnaa taariikhda colaadda Afghanistan.

Hadalkan ayaa waxaa ku dhawaaqay howlgalka Qaramada Midoobay ee Afghanistan ee UNAMA maanta oo arbaca ah.

Sida lagu sheegay wabixinta sanadkan 2015ka bartamihiisa ay soo saartay UNAMA ee dhinaca dhowrista dadka rayidka ah ee goobaha colaadaha, 4,921 qof oo rayid ah ayaa la diwaangeliyay inay dhibtaato ka soo gaartay colaadda Afghanistan lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan.

Dhimashada 1,592 qof iyo dhaawaca 3,329 ayaa ka dhiggan in 1% ay korortay tirada dadka rayidka ah ee si guud wax ugu noqday dagaalka, marka la bar bar dhigo tirada dadkii dhintay sanadkii 2014, oo ahaa sanadkii ugu dhimashada badnaa ee ebid la diwaangeliyo Afghanistan.

Warbixintan Qaramada Midoobay ayaa u nisbeysay 70% Dhimashada ciidamada dowladda ka soo horjeeda.

Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray oo la soo gaarsiiyay VOAda iyo warbaahinno kale ku beeniyay warbixintan UNAMA, isagoo ku tilmaamay mid aan dhexdhexaad aheyn oo xaqiiqda ku saleysneyn.

XS
SM
MD
LG