Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo Bilawday Hawlgalka Isu-Furka Jubbooyinka


Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay bilowga Hawlgal milatari oo ka dhan ah ururka Al-Shabab gaar ahaan Gobollada Bay iyo Bakool.

AMISOM ayaa ku dhawaaqday in hawlgalkan cusub loogu magac-daray “Hawlgalka Isku-furka Jubbooyinka” waxayna sheegtay in ujeeddada tahay in mintidiinta Al-Shabab laga saaro dhulka baadiyaha ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in laba weerar ay ka kala bilowdeen Qansaxdheere iy Faafaxdhuun. Waxayna sheegtay in hawlgalku uu xaqiijin doono in degaamada hadhsan laga saaro ururka Al-SHABAB, nabadna lasoo dabbaalo.

Dagaallo ayaa laga soo sheegayaa inay maanta ka dhaceen degaanka Iidaale iyo deganaka Ceel-Cillaan ee Gobollada Bay iyo Gedo oo u dhexeeya ciidamada dawladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabab. Khasaaraha dagaalladan ayaan weli la ogayn.

XS
SM
MD
LG