Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil Shabaab ah oo lagu Dilay Baardheere


Laba hoggaamiye oo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa la sheegay inay ku dhinteen duqeyn ay diyaarad drone ah saaka waaberigii ka fulisay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Labadan sarkaal ayaa magacooda lagu sheegay Jaamac Dheere iyo Ismaaciil Jabhad, duqeynta ayaa la sheegayaa inay sidoo kale ku dhinteen askar ka tirsan al-Shabaab.

Degmada Baardheere oo ka mid ah meelaha ururku uu ka taliyo ayaa waxaa ku wajahan ciidamo Ethiopian iyo Soomaali ah oo damacsan inay guluf dagaal ku qaadaan maalmahan soo socda.

XS
SM
MD
LG