Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo soo Afjartay Weeraradii al Shabab


al-Shabab Announces Alliance with al-Qaida
al-Shabab Announces Alliance with al-Qaida

Ciidamada Dowladda Somalia ayaa ku guulaystay in ay dib ula wareegaan laba Hotel oo ay kooxda al shabab xoog ku qabsadeen fiidnimadii xalay.

Ugu yaraan 14 qof ayaa weeraradaasi ku dhintay 16 kalena way ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyiin saraakiil iyo dad goob jog ah.

Weerarka koowaad ayaa lala beegsaday Hotel Weheliye markii saacadda Muqdisho ay ahayd qiyaastii 6dii fiidnimo iyo toban daqiiqo, Baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa sabab qarax xooggan, kadibna waxaa gudaha u galay Hotelka maleeshiyo hubaysan.

Hotelka ayaa waxaa iska xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka isla markaana ah ganacsade lagu magacaabo, Ciise Weheliye Maalin oo la sheegay in isaga laftiisu uu ka badbaaday weerarkan inaksta oo ilo lagu kalsoonyahay ay sheegeen in dhaawac fudud uu gaadhay.

Sida uu sheegay wasiirka amniga qaranka Cabdirazaaq Cumar Maxamed, todoba nin oo weerarka hore soo qaaday ayaa dhammaantood la dilay, dadkale oo ku suganaa gudaha Huteelka ayaa VOAda u sheegay in hal askari lagu dilay Wheleiye Hotel.

Wasiirka ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay heleen war sheegaya in baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu wareegayay agaagarka Jidka Maka Al Mukarama oo ah halka ay huteelo badani ku yaallan, waxaa uu sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ay isla markii qaraxu uu dhacay ay huteelka soo gaadheen maadaamo oo ay agagaarkaasi heegan ku sii ahaayeen.

Qaraxa labaad ayaa lala beegsaday Siyaad Hotel oo isla jidka Maka Al Mukarama ku yaalla, goobjogayaal ayaa sheegay in dablay ka tisran al Shabaab ay la dagaalameen ilaalada huteelka ka hor intaanay goobta soo gaaran ciidmamada Gaashaan. Weerarka dambe socday ilaa 11kii habeenimo saacadda Muqdisho.

Wasiirka amniga Qaranka ayaa sheegay in 5 ka mid ah al shabaab lagu dilay weerarka labaad taasi oo tirade laga dilay al shabab ka dhigaysa 12.

Cabdiqaadir Khaliif Xiiray oo ka mid ah maamulka Siyad Hotel ayaa VOAda u sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha Huteelka uu weerarka ku geeriyooday.

XS
SM
MD
LG