Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Yuusuf Xasan: Kenya Al-Shabaab Way Ka Adkaan Doontaa


Ururka Al-Shabab ayaa weerarro is-daba jog ah ka waday gudaha Kenya tan iyo markii ciidamada waddanbkaasi ay galeen Soomaaliya sanadkii 2011.

AL-Shabaab waxay sheegtay inaysan weerarrada jogsanayn illaa inta ciidamada Kenya ay ka baxayaan Soomaaliya, halka Kenya ay ku adkaysanayso inaysan xilligan taasi dhici doonin.

Haddaba ma laga yaabaa in Al-Shabaab ay dagaalkan ku jebiso dalka Kenya? Su’aashaas ayuu Haaruun Macruuf uu weydiiyey Xildhibaan Yusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, lagana soo doorto degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuunna toddobaadkii hore kula kulmay magaalada New York.

Wareysiga hoos ka dhageyso.

Xildhibaan Yuusuf Xasan
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:10:12 0:00

XS
SM
MD
LG