Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdikariim oo Noqday Madaxweynaha Galmudug


Madaxweynaha Galmudug
Madaxweynaha Galmudug

Cabdikariim Xuseen Guleed ayaa loo doortay madaxweynaha maamulka Galmudug kadib markii uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada maamulkaasi oo maanta ka dhacday magaalada Cadaado.

Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa helay 49 cod sidaasna ku noqday madaxweynaha maamulka cusub ee Galmudug.

Murashixii wareegga sadexaad ay isla soo gaareen ee la baratamayay Axmed Macalin Fiqi, madaxii hore ee sirdoonka Somalia ayaa helay 40 cod.

Doorashadan ayaa marka la eego hanaankii ay ku timid iyo shirkii Cadaado waxaa lagu tilmaamayaa tii ugu dimuquraadisaneyd ee lagu dhiso Maamul Goboleed qeyb ka noqonaya Dowladda Federaaliga ah ee Somalia.

Doorashadan ayaa ahayd mid si adag loo tartamay codadka 89-ka xildhibaan ee baarlamaanka Galmudug.

Wareegii 1aad ayaa lix murashax oo ku baratamayay doorashadan ay sadex ka mid ah hareen sadexna ay u soo gubbeen wareegga 2aad.

Musharrixiinta wareegga labaad u soo baxay waxaa ka mid ahaa; Axmed Macalin Fiqi iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo labaduba helay min 29 cod, halka Axmed Cabdisalaan uu leeyahay 12 cod.

Doorashadan ayaa aheyd mid murashaxa doonayay inuu ku guuleysto laga rabaycod hal dheeri ah ama 50+1 oo marka tirada guud ee baarlamnaka Galmudug la fiiriyo u dhiganta 45 cod.

Dhageyso Doorshada Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:53 0:00

XS
SM
MD
LG