Isku xirrada

War Deg-Deg ah

1-da Luulyo oo si weyn loogu dabbaaldegay


Somali Independence Day by Radio Muqdisho
Somali Independence Day by Radio Muqdisho

Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay ayaa xala y lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, raysul wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarka, xubno ka tirsan labad gole ee dowladda iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Somalia/Radio Muqdisho
Madaxweynaha Somalia/Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabadda ayaa hambalyo ku aaddan 55-guurada maalinta xorriyadda Soomaaliya u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan ka codsaday inay midoobaan oo ay garab istaagaan dowladnimada.

Somali Independence/Radio Muqdisho
Somali Independence/Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladda hadda jirta uu xilligeedu ku egtahay sanadka dambe islamarkaasna ay u taallo shacabka Soomaaliyeed mas’uulka ay xilkaasi u dhiibi doona ama ay ka codsan doonaan kuwa hadda jooga in ay xilka sii hayaan.

Somali Independence Day
Somali Independence Day

Dhinaca kale Sidoo kale munaasabadda Kowda Luulyo ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan shacabka Soomaaliyeed ku booriyey in loo midoobo sidii maleeshiyada ururka Shabaab dalka looga sifeyn lahaa.

Somali Independence/Radio Muqdisho
Somali Independence/Radio Muqdisho

Sidoo kale magalooyin badan oo ku yaalla gobollada Soomaaliya ayaa si weyn looga xusay munaasabadda kowda luulyo oo ah maalintii ay gobollada koofureed xoriyada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii Koonfur iyo Waqooyi.

Xuska Maalinta Xoriyadda
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:22:29 0:00

XS
SM
MD
LG