Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Military oo ku Burburtay Indonesia


Saraakiisha Indoneisa ayaa sheegaya in inkabadan 50 qof ay dhinteen markii diyaarad military ay ku dhacday xaafad ay dadku dagan yihiin oo ku taalla jaziiradda Sumatra.

Diyaarad oo nooceedu yahay Hercules C-130 ayaa ku duldhacday duhurnimadii maanta laba guri iyo hotel ku yaalla magaalada Medan, oo ah magaallada saddexaad ee ugu weyn dalka Indonesia.

Sawirro baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya diyaaradda oo dab ka holcayo, iyadoo qiimo madow at ka soo baxayaan dhismayaasha iyo baabuurta burburay ee ay ku duldhacday.

Afhayeen u hadlay military-ga ayaa sheegay 12 qof ay saarnaayeen diyaaraddan markii ay dhacaysay daqiiqaddu yar kadib markii ay ka duushay garoon diyaaraddeed oo meesha ka dhow.

Warbaahinta maxaliga ayaa soo warriayay in diyaaraddan ay dhacday markii ay isku dayday inay garoonka dib ugu laabayo cilad farsamo oo aan la sheegin aawadeed.

Military-ga Indonesia ayaa dhowrkii sanno ee u danbeeyay waxaa ka burburay dhowr diyaaradood, oo ay ku jirtay mid bishii June 2012 ku duldhacday guryo ku yaalla magaalada Jakarta, shilkaasi oo ay ku dhinteen 11 qof.

XS
SM
MD
LG