Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barlamaanka Galmudug oo Guddoomiye Doortay


Guddoomiyaha Galmudug
Guddoomiyaha Galmudug

Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta guddoomiyaha baarlamaanka u doortay Cali Cumar Casir, oo wareegi labaad ee doorasho ka dhacday Cadaado ug adkaaday murashaxii la tartamayay, C/llaahi Xuseen Asparo.​

Doorashadan oo la sheegayo in si hufan ay ku dhacday ayaa waxaa ka qeybgalay 84 xildhibaan, waxaana Cali Cumar Casir uu helay codadka 48 ka mid ah xildhibaannada.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad waxaa loo doortay Xareed Cali Xareed, halka guddoomiye ku xigeenka 2aad-na loo doortay Maxamed Maalin.

Guddoomiye Casir ayaa VOA u sheegay in si fiican loo doortay, sidoo kale uu filayo in sidan oo kale ay u dhacdo doorashada madaxtinimada Galmudug ee la filayo inay dhacdo 4-ta July.

Dhageyso Doorashada Cadaado
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:27 0:00

XS
SM
MD
LG