Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraray degmada Qoryooley ee Sh/Hoose.
Dagaal socday ku dhowaad muddo laba saacadood ayaa dhexmaray maleeshiyada iyo ciidamo ka tirsan degaanka.
Mas’uuliyiinta degmada ayaa sheegay in 2ka tirsan al-Shabaab ay dhinteen, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray 2 shacab ah.
Maxamed Cabdi C/llaahi “Gaashaan,” gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee degmada Qoryooley ayaa dagaalkaasi uga warramay VOA.
Waraysiga oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.