Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Qaadaysa Xayiraaddii Xawaaladaha


FILE - Kenyan President Uhuru Kenyatta delivers a speech at the Nyayo Nationa Stadium in Nairobi, Kenya.
FILE - Kenyan President Uhuru Kenyatta delivers a speech at the Nyayo Nationa Stadium in Nairobi, Kenya.

Dawladda Kenya ayaa muuujisay inay diyaar u tahay in la qaado xayiraaddii lagu soo rogay 13 shirkadood oo ah kuwa ka shaqeeya dirista lacagaha ama xawaaladaha.

Hadalkan waxaa jeediyey madaxeynaha Kenya Uhuru Kenyatta munaasabadda curashada bisha Ramadaan. Kenyatta ayaa amray bangiga dhexe ee Kenya inuu soo saaro shuruuc isla markaana uu qaado xayiraaddii la saaray shirkaddaha lacaga dira.

Shirkadahan ayaa xayiraadda la saaray kadib weerarkii ay Al-Shabab ku qaadday Jaamacadda Gaarisa bishii Apriil ee sannadkan.

Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshil, Cabdirashiid Dahabshil ayaa VOA u sheegay in talaabadan ay tahay mid lagu farxo.

Dhinaca kale, dadka dagan Kenya ayaa soo dhaweeyay go'aanka xayiraadda looga qaadyo shirkaddaha xawaaladaha.

XAWAALADAHA OO XAYIRAADDA LAGA QAADAYO
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:58 0:00

XS
SM
MD
LG