Isku xirrada

War Deg-Deg ah

3 Askari oo lagu Dilay Muqdisho


Qarax
Qarax

Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar miino oo lala eegtay baabuur ay saarnaayeen oo marayay maanta oo Salaasa ah magaalada Caasimadda ee Muqdisho.

Weerarkan oo ka dhacay xaafadda Xaawa Cabdi, oo 17KM u jirta magaalada Muqdisho ayaa waxaa sheegtay inay ka danbeeyeen kooxda al-Shabaab.

Captain Farah Nur ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in miino nooca dhulka lagu aaso ah ay ku qaraxday baabuur ay wateen ciidamada militarigu, waxaana weerarkaasi ku dhintay 3 askari.

Afhayeenka dhinaca howlgalada Militari ee al-Shabaab, C/casiis Abu Muscab ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in miino nooca meelaha durugsan laga laga hago lagu bartilmaameedsaday ciidamada dowladda.

XS
SM
MD
LG