Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Imtixaan Qaaday 24 Sano ka Dib


Sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya arday ku dhow todoba kun oo arday oo wax ka barta Dugsiyo ku yaala Koonfurta iyo Bartamahaa Soomaaliya inay maanta u fariisteen Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Imtixaankan ay ugu talagashay in ardaydu ay qaataan Imtixaan mideysan si ey u helaan shahaadada Dugsiga Sare oo ay dowladda aqaansantahay.

Ardaydii ugu badnyd ayaa maanta imtixaanka ku galay Dugsiga 15ka May ee Degmada Wardhigley, halkaas oo ay ku booqdeen wasiiro ka tirsan dowladda iyo taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Suggidda.

Imtixaankan oo ah kii ugu horeeyay ee ay dowlad qabato muddo 24 sanadood ah. Waxaana dhinaca kale uu ku soo beegmayaa xilli uu maran ka dhex jiro Daladaha Waxbarashada Ahmliga ah ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda.

Daladaha ayaa warbarashada Soomaaliya iyo Dugsiyaa soo maamulayay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe.

XS
SM
MD
LG