Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DFS: 50 ayaa ku Dhimatay Xuduudda


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 40 ilaa 50 qof ay ku dhinteen dagaallo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey degaano u dhow xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dagaalladan ayaa siyaabo kala duwan lagu fasiray waxa dhaliyey, waxaana la sheegya inay ku lug leeyihiin ciidamada lagu magacaabo Liyuu Poolis ee daacadda u ah Mamaulka Soomaalida Itoobiya.

Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa VOA u sheegay in dagaalladan ay salka ku hayaan aanoyin qabiil.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdaha Soomaaliya iyo Ethiopia ay ka wadahadleen dagaalladan, isla markaana isla markaana kulan looga hadlayo dagaalka uu ka dhici doono Dhuusamareeb, iyadoo kulanka labaadna uu ka dhici doono Jigjiga.

XS
SM
MD
LG