Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dilkii shalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Yusuf Cabdi Dirir iyo darawalkiisii ay ka dambeeyeen ciidamada militariga Soomaaliya
Afhayeenka wasaaradda aminga ee dowladda Federralka ah ee Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in dilka xildhibaanka iyo darawalkiisa uu ku dhacay si aan ulakac ahayn, isago sheegay in gaariga askarta uu si wawli ah ku socday, gaariga xildhibaankana uu waddada siin waayay ay keentay in ay ka shakiyaan oo ka dibna ay rasaas ku furaan.
Warbixinta ku saabsan qaabka uu u dhacay dilka xildhibaan Yusuf Dirir ka dhageyso lifaaqa hoose.