Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ifrax Axmed oo Abaal Marin La Siiyay


Ifrah Axmed oo ah Gabar Somaliyeed oo u ololeysa xuquuqda dumarka ayaa xalay abaal marin lagu gudoonsiiyay magaalada London.

Abaal marintan oo loogu magac daro - shaqsiga xuquuqda aadanaha ee dumarka oo ay sanadkiiba mar bixiso hey'adda Women4Africa ayey Ifrax ku muteysatay kaalintii ay ka soo qaadatay difaaca xuquuqda dumarka Somalida, gaar ahaan la la dagaalanka gudniinka fircooniga ah.

Ifrax ayaa ka mid aheyd shaqsiyaadka qurba joogta ahaa ee ku laabtay Somalia si ey uga qeyb qaataan horumarinta iyo wax u qabashada dalkooda.

Wareysi ay siisay VOAda ayey Ifrax ku sheegtay inay ku faraxsantahay in abaal marintaasi la siiyo.

XS
SM
MD
LG