Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hadliye: Waan soo Celinaynaa Soomaalida Yemen


Cabdisalaam Hadliye, wasiirka Arrimaha Dibedda
Cabdisalaam Hadliye, wasiirka Arrimaha Dibedda

Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya aya wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in dowladdiisgu ay kaalin ka geysanayo soo celinta iyo dib u dejinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Yemen.

Wasiirka ayaa sheegay inuu jiro qorshe dowladdu ay ku doonayso inay ku caawiyo dadka doonaya inay soo noqdaan. Wasiirka wuxuu sheegay inay Sanca u direen diyaarad si ay u soo qaado dadka maatida ah.

Mudane Hadliye wuxuu sheegay inay socdaan wadaxaajood ku saabsan sidii doonyo loogu diri lahaa dalka Yemen si ay u soo daad-gureeyaan qaxootiga Soomaalida ee Yemen loo soo bad-baadin lahaa.

Wasiirka wuxuu sheegay inay muhiim tahay in maanta Soomaaliya bad-baado loogu soo noqonayo, taasoo ka dhigan in dalku xasilloon yahay oo dadkiisu ay ku noqon karaan.

Wasiirka Arrimaha dibeddu wuxuu sheegay in qaxootiga ka soo noqonaya Yemen ay dhici karto inay ku soo dhex-dhuuntaan dad yar oo kooban oo xiriir la leh al-Qaacidada Yemen, taasoo dhibaato u keeni kara Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG