Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahinta Qarax Muqdisho ka Dhacay


Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen qarax baabuur oo ka dhacay barxadda hore ee makhaayad laga cunteeyo oo ku taalla magaalada Muqdisho, sidaana waxa VOA u xaqiijiyey saraakiisha caafimaadka.

Dr. Cabdulqadir Cabdiraxman Aden oo ah madaxa Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah ee magaalada Muqdisho ayaa VOA u sheegay inay qaadeen illaa afar qof oo qaraxaas ku dhintay, iyo lix qof oo ku dhaawacmay qaraxaas. Dr. Cabdulqaadir wuxuu sheegay inay suuro gal tahay in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto.

Weriye VOA uga soo warama magaalada Muqdisho oo goobta qaraxa tegey ayaa sheegay inuu arkay illaa shan qof oo qaraxaas ku dhintay oo laba ka mid ahi ay yihiin haween.

Makhaayaddan ayaa can ku ahayd inay yimaaddaan shaqaalaha madaxtooyada iyo shaqaalaha rayidka ah ee dawladda u shaqeeya.

Faahfahinta iyo waraysiyo la xidhiidha qaraxan ka dhegayso qaybta hoose e boggan.

Dhegayso: Waraysiyo la Xidhiidha Qaraxa Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:10 0:00

XS
SM
MD
LG