Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dabley Weerartay Saldhiga Baalade ee Boosaaso


Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday uu boolisku iska caabiyey, kuwaasoo goobta ka baxsaday.

Taliyaha ayaa sheegay in uu tagay goobta uu weerarku ka dhacay daqiiqado kaddib weerarka, isagoo sheegay in weerarkaasi uu dhaawac fudud ka soo gaaray taliyaha saldhiga Baalade ee la soo weeraray.

Gaashaanle Sare Cabdixakiin ayaa sheegay in weerarka kaddib ay gacanta ku soo dhigeen dhaallinyaro badan oo la tuhmay, kuwaasoo uu hadda baaritaan ku socoto oo ciddii dambi lagu waaayo la sii deyn doono.

Illaa hadda ma jirto cid sheegtay weerarkaas.

XS
SM
MD
LG