Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Cirka ah oo lagu Qaaday Sarkaal Al-shabaab ah


Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha wadin ay bartilmaameedsadatay baabuur ay la socdeen saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabab.

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu marayey meel u dhow tuulaha Abaa Haluul oo u dhaxaysa magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay VOA heshay ayaa sheegay in baabuurka la duqeeyey oo burburay ay la socdeen laba sarkaal oo ka tirsan ururka Al-Shabab.

Faahfaahinta duqayntan goor dhow ayaad maqli doontaan.

Wararka hordhaca ee ay helayso ayaa sheegaya in sarkaalka la bartilmaameedsaday lagu magacaabo Aadan Garaar oo ka tirsan Amniyaatka Al-Shabab.

XS
SM
MD
LG