Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararka Iyo Warbixinadda Weerarkii Baydhabo


Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dablay hubaysani ay weerar ku qaaday xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana goobtaas ku geeriyooday illaa sideed qof.

Dadka weerarkan ku dhintay ayaa isugu jiray Saddex ka mid ah ciidamada amniga, laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ee ku jira Hawl-galka Midawga Afrika ee AMISOM iyo saddex ka mid ahaa maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Guriga la weeraray ayaa ahaa dhismaha uu deggan yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan isla markaana u ah xarunta uu ku shaqeeyo, waxaana wararku sheegayaan inuu ka badbaaday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan weerarkaasi.

Wareysiyo ay VOA weerarkan kala yeelatay goob joogayaal iyo qaar ka mid ah sharaakiisha amaanka ee Magaalada , halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso:

Dhageyso Wararka Iyo Warbixinada Weerarkii Baydhabo
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:24 0:00

XS
SM
MD
LG