Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baraf iyo Duufaano Xoogan oo ka Dhacaya Gobolo ay ka mid tahay New-York


Ku dhawaad 30 Million oo qof oo ku nool waqooyi bari dalkan Mareykanka ayaa isku diyaarinaaya baraf duufaan wata oo la sheegey inuu dhulka dhigi doono ilaa iyo 90 Centimeter oo baraf ah, waxaana uu sidoo kale cuuryaamin doonaa dhamaanba isku socodkii dadweynaha iyo gaadiidka. Heyada la socodka cimilada ee dalkan Mareykanka ayaa sheegtey in duufaantan barafka wadata ee loo yaqaano Nor’Easter ay keeni doonto baraf aad u badan, duufaan, dabeylo iyo fatahaad dhanka biyaha ah oo socon doona ilaa iyo talaadad maanta goor danbe. In ka badan 3,500 oo duulimaad diyaaradeed ah ayaa la baajiyey, waxaan wali uu duulimaadku ka socdaa garoonka caalamiga ah ee Logan magaalada Boston, kaasoo isna saacado dhow la soo xiri doono. Howlaha garoomadan ayaanan la fileyn in ay dib usoo noqdaan ilaa iyo goor danbe oo todobaadkan ah.

XS
SM
MD
LG