Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Dablay Weerartay Ciidanka Booliska


Koox aan la aqoonsan ayaa xalay abbaara tobankii fiidnimo weerar ku qaadday bar kaantarool oo ay leeyihiin ciidamada ammaanka ee Puntland oo ku taalla gudaha magaalada Boosaaso.

Kooxdan oo aan weli la aqoonsan ayaa ciidanka ku weerartay bambooyin iyo rasaas ay ridayeen waxaana goobtaas ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan ciidankii ammaanka halka ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale.

Goobjooge ku sugnaa goobta weerarkani ka dhacay oo lagu magcaabo Afar-iridoodka oo ku taalla gudaha magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay dableydaasi baxsatay, illaa haddana ciidamada ammaanku kama hadlin dhacdadan, sidoo kale ma jirto cid sheegatay weerarkan.

XS
SM
MD
LG