Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Somalia oo u Digtay Shirkad Shiine ah oo Saliidda Baarta


Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Macdanta iyo Petrol-ka ee Dawladda Federal-ka Somalia ayaa lagu sheegay in ay wasaaraddu digniin u dirayso shirkad kuwa macdanta baadha ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha magaceedana loo soo gaabiyo ARC shirkadaasi o la sheegay inay hawlo baadhitaan macdanta ah ka wadday buuraha Siimoodi ee gobolka Awdal.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in hawlaha baadhista ee ay shirkadaasi waddaa ay yihiin kuwo sharci darro ah Dawladda Fderal-kuna ay si dhaw ula socoto dhaq-dhaqaaqa shirkadaasi oo la sheegay inay xasilooni darro ka abuurtay deegaanka kadib markii sida warkan lagu shegay ay shirkadaasi qoratay Maleeshiyaad ilaaliya shaqaalohooda isla markaana ay bara kiciyeen dadkii iyo duunyadii deegaanadaasi ku noolaa.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay inay dawlada Somalia welwel ka muujinayso in shirkadahaasi hawlaha sharci darada ah wadaa ay qaarkood sun ku aasaan bada iyo bariga Somalia, waxaanu warku intaasi ku daray in si looga fogaado xasarado iyo colaado gobolkaasi ka dhaca waxay wasaaradda Macdantu dalbanaysaa inay shirkadda ARC ay si deg degah u joojiso hawlaha ay ka wado gobolka Awdal.

Dawladda Somalia waxay ka codsanaysaa dawladda China in ay aanay shirkado wadankooda laga leeyahayqayb ka qaadan xasilooni daro ka dhacda gobolo mudo dheer nabad ahaa.

Wasaaraddu waxay ka dalbanaysaa ARC inay si degdeg ah u joojiso hawlaha sharci darrada ah ay wado, dalkana isaga baxdo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta ee dawladda federaalka ee Somalia Faarax Cabdi Xasan ayaa VOA uga warramay dulucda warsaxaafadeedka.

Dhinaca kalena waxaa arrintan ka jawaabay wasiirka macdanta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale isaga oo u warramay VOA.

Labada waraysi ee arrintan la xiriira ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso waraysiyo ku saabsan macdanta Siimoodi
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:13 0:00

XS
SM
MD
LG