Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirada oo lagu Amray Inaysan Safri karin.


Wareegtada Xeer Ilaaliyaha
Wareegtada Xeer Ilaaliyaha

Golaha wasiiradda ee baarlamaanka Soomaaliya uu kala noqday kalsoonida ayaa la amray inaysan dalka ka bixi karin ilaa si buuxda ay xilka u wareejiyaan.

Amarkan waxaa wareegto ku soo soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir.

Amarkan ayaa waxaa lagu sheegay in kaddib xil-wareejinta wasiiradda looga baahan yahay inay oggolaansho safar weydiistaan xafiiska madaxweynaha.

Wareysi uu siiyay VOA, Axmed Cali wuxuu sheegay inay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya in awooddii iyo hantidii qaranka si aan sax ahayn loogu takri falay, sidaasi darteedna ay doonayaa in aan wasiiraddu dalka ka bixin ilaa xilalkii ay hayeen ay si rasmi ah u wareejiyaan.

Golaha wasiiradda ee xukuumadda Cabdiweli ayaa shalay baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonidii kala noqday, kaddib markii loo qaaday mooshin ka dhan ah ra'iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

XS
SM
MD
LG