Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku Dhintay Qarax ka Dhacay Muqdisho


Qof ismiidaamiyay ayaa gaadhi walxaha qarxa lagu soo xidhay ku weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay laheyd Qaramada Midoobay oo marayey meel u dhow garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, Waxaa goobtaan ku dhintay shan qof, toddoba kalena wey ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa maanta oo Arbaca ah ka dhacay meel ku dhow Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho oo si weyn amaankiisa loo adkeeyo, halkaasoo ay degganyihiin qaar ka mid ah safaaradaha shisheeye iyo xarunta ugu weyn Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in shaqaalahoodii la socday gaadiidka la beegsaday aaney cidi waxba kaga noqon weerarka .

Maleeshiyada Ururka Al-shabab ayaa sheegtay weerarka, waxeyna war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegeen in dagaalyahanadooda ay weerar la bar tilmaameedsadeen kolonyo siday sida ay hadalka u dhigeen calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah iyo Somali xulufo la ah.

Al-Shabab ayaa dhul fara badan ku weysay weeraro iyo dagaallo ay kala kulmeen ciidmada dowladda Somalia iyo Kuwa Amisom, hase yeeshee kooxdu waxey sii waday sanadihii dhowaa inay weeraro ka fuliso magalada Muqdisho, iyo sidoo kale Gudaha dalka Kenya.

XS
SM
MD
LG