Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-shabab oo Laga Saaray Qeybo ka Mid ah Jubooyinka


Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa AMISOM ay maanta la wareegeen deegaanka Kudhaa iyo deegaanada ku xeeran.

Wararku waxey intaasi ku darayaan in saakay aroortii markii ay ciidamadu ku dhawaadeen deegaanka ay isaga carareen maleeshiyadii Al-shabab ee gacanta ku heysay.

Meelo kale oo gobolka ka mid ah ayaa sidoo kale ciidamadu ay saakay howlgallo ka fuliyeen.

Meelaha ay howlgalka ka fuliyeen ciidamada wada jirka ah ee ay saakay qabsadeen waxaa ka mid ah deegaanka Cabdalle Biroole oo qiyaastii 34 Km dhanka galbeed ka xiga magaalada Kismaayo.

Warbaahinta afka dowladda Somalia ku hadasha oo soo xiganaysa saraakiil Milatary ayaa sheegtay in Iska horimaad kooban oo halkaasi ka dhacay ay dhinteen afar ka tirsan maleeshiyadii ururka Al-shabab.

Dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya in ciidamadu ay haatan ku dhowyihiin deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 65 KM u jira magaalada Kismaayo, iyagoo hadafkoodu yahay in maalmaha soo socda ay gaaraan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Saraakiisha ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay la wareegi doonaan degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

XS
SM
MD
LG