Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaaqooyin ka Dhacay Hiiraan


AMISOM oo ku sugan dekedda Ceel-Macaan
AMISOM oo ku sugan dekedda Ceel-Macaan

Wakiilka Midawga Afrika u qaabilsan Somalia Ambassador Maman S. Sidikou ayaa sheegay inuu ka xumaaday wararka ka imanaya gobolka Hiiraan kuwaas oo sheegaya in koox hubaysani ay weerareen isla markaana hor istaageen ciidamo ka tirsan AMISOM, xilli ciidamada nabad ilaalintu ay halkaas u joogeen arrin dib u heshiisiineed.

Sarkaal u hadlay AMISOM sheegay in ciidamadooda ay hor-istaageen niman hubaysani iyo dad mudaharaad samaynayaa deegaanka Ceel-gaal oo 10 KM woqooyi ka xigta Beledweyn. Ciidanka AMISOM ayaa isidoo kale sheegay in nimankaa hubaysani ay rasaas ku fureen ciidanka AMISOM taas oo ciidankooduna ay ka jawaab celiyeen si ay isu difaacaan, wararka goobtaas naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in laba qof ku dhaawacantay dhacdadaas.

Ergeyga Midawga Afrika u qaabilsan Somalia Ambassador Sidikou ayaa yidhi “waxaan si aad ah uga xumahay inaan maqlo arrinta ka dhacday gobolka Hiiraan, waxaan codsanayaa in xaalladda la dejiyo isla markaana sidii hore lagu soo celiyo, waxaanna ka codsanaynaa dadka reer Hiiraan inay qaataan nabadda isla markaana ka fogaadaan wax keeni kana khilaaf kale oo dheeri ah oo ka dhaca deegaanka Deefow iyo meel kaleba”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyey “waxaan jecelahay inaan dadka reer Hiiraan u caddeeyo in AMISOM aanay xisbi,cid gaar ah iyo qabiil gaar ahba raacsanayn, waxaanuna Somalia u joognaa inaanu u adeegno dhammaan dadka Soomaalida ah isla markaana xukuumaddooda ku garab istaagno inay yoolkooda gaadho” ayuu yidhi Ambassador Maman S. Sidikou.

Taliye ku xigeenka ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiran ayaa Caasho Ibrahim uga warrama sida ay wax u dhaceen-- ka dhageyso xgga hoose.

CORNEEL IBRAHIM FARAX
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:03 0:00

XS
SM
MD
LG