Aabaha wiil Soomaali ah oo warbaahaintu tebisay nuu ku dhintay dalka Siiriya kaddib markii uu ku biiray kooxda ISIS ama Daacish ayaa sheegay weli inaan qoyskiisu haynin caddayn buuxda oo rasmi ahana xaqiijinaysa geerida iyo nolosha wiilkaas.
Wiilkaas oo lagu magacaabo Cabdifataax Dayid Axmed oo sidoo kale loo yaqaan Abdiraxmana Muxumed ayaa ka mid ahaa dhalinyaro Soomaali ah oo ka tagtay gobolka Minnesota.
Haaruun Macruuf ayaa aabihiis kula kulmay magaalada Minneapolis oo wareysi la yeeshay.