Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalalka Carabta oo ISIS la Dagaalamaya


Dowladaha Carabta ayaa Khamiistii shalay wacad ku maray inay door ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacish ee xoogga ku qabsatay gobolo ka mid ah Ciraaq iyo Syria, ugu dambeyntana ay burburinayaan.

Hadalkan ayaa ka soo yeeray wasiirada Arimaha Dibadda ee 10 dowladood oo Carbeed oo shir ay albaabada u xiraayeen xalay dalka Sacuudiga kula yeeshay Xoghayaha Arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in Rusia ay haboontahay inay ku biirto isbaheysi caalami ah ee ka dhan ah dagaalyahanada kooxda Daacish, maxaa yeelay buu yiri waxay sidoo kale halis ku yihiin danaha Rusia.

Iyadoo xukumadda Washington ay ka fekereyso weeraro waaweyn oo cirka ah oo ay ku qaado saldhigyada daacish ee Syria, ayaa xukumadda Moscow, waxay ku tilmaantay weerar noocaasi ah -xad gudub weyn oo ka dhan ah shuruucda Caalamiga ah.

XS
SM
MD
LG