Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Duleedka Muqdisho


Qarax gaadhi ayaa ka dhacay dhinaca Koonfur Galbeed ee caasimadda Soomaliya, waxaana goobtaas ku dhintay ugu yaraan 14 qof halka ay ku dhaawacmeen illaa 27 qof oo kale.

Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira laba askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo laba qandaraaslayaal u shaqeeya shirkadda Pancroft oo saadka u qaabilsanaa AMISOM.

Ururka Alshabab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas, kaas oo maanta ka dhacay meel 20KM dhinaca Koonfur Galbeed kaga toosan magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey lagu dhuftay gaadhi ay leeyihiin ciidamada AMISOM, kaas oo sababay qarax xooggan.

Sidoo kale qaraxani wuxuu haleelay laba bas oo rakaab saarnaayeen oo xilligaas goobta marayey.

Dhinaca kale waxaa jira weerar labaad oo is-miidaamin ah oo lala beegsaday ciidamada amniga Soomaaliya, waxaana goobtaas ku dhaawacmay lix qof.

XS
SM
MD
LG