Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabab oo Xaqiijiyay Dhimashada Godane, Amiir Cusubna Doortay


Ururka al-Shabaab ayaa goor dhaweyd si rasmi ah u xaqiijiyay dhimashada Axmed Cabdi Godane oo ay sheegeen inuu ku dhintay weerarkii Maraykanka,

War-saxaafadeed ka soo baxay ururka ayaa lagu sheegay in Axmed Godane uu "Shahiiday" waxayna wacad ku mareen inay u aar-gudi doonaan dilkiisa.

Ururka ayaa wuxuu hoggaamiye cusub u doortay Sheekh Axmed Cumar "Abu Cubeydah" oo sidoo kale loo yaqaan "Axmed Dirirye"

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka tirsanaan guutadii Raas-kanbooni, sidoo kale wuxuu soo noqday guddoomiyaha gobollada Bay iyo Bakool ee al-Shabab.

"Abu Cubeydah" ama "Axmed Diriye" waxaa da'diisa lagu sheegay 40 meeyo.

War-saxaafadeedka ururka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay cusboonaysiinayso u hoggaansamidda hoggaamiyaha al-Qaacida Ayman al-Zawaahir.

XS
SM
MD
LG